Friday, September 12

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay, dagaal beeleed ka dhacay duleedka magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug

Labada beel uu ku dagaallamay duleedka Dhuusamareeb ayaa ah labo beel oo walaalo ah, kuwaas oo ay colaadooda inta badan soo noq noqoto, waxaana la sheegayaa in weli ay taagan tahay xiisada dagaalkii dhacay.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka oo u badan dhinacyadii dagaallamayey, ayaa la gaarsiiyey isbitalka weyn ee Dhuusamareeb, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo

Degaanada uu ka arrimiyo maamulka Galmudug ayaa waxaa ku soo noq noqda dagaal beeleed geysta khasaare kala duwan, waxaana dhibaato weyn ah in arrinta oo sanad badan soo jiita meysay aan weli wax xal ah loo helin

Maamulka ayaa dhowr jeer u digay beelaha isku diriraya deeggaanada uu Galmudug ka taliyo, balse colaadan cusub ayaa muujineysa in dhagaha laga fureystay digniintii uu maamulku kal hore jeediyey.

Exit mobile version