Saturday, September 13

Dagaal aad u culus ayaa tan iyo shalay wuxuu gobolka Mudug ku dhex marayaa labbo maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkan ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Af-barwaaqo ee gobolka Mudug, waxaana weli taagan xiisada dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa billawday kadib markii, maleeshiyo ka mid ah labada dhinac ay weerar ku qaadeen dad xoollo dhaqato ah, oo ku sugnaa daanta Galmudug.

Ilaa iyo iminka inta la ogyahay waxaa dagaalka ku geeriyooday, 7 qof, iyadoo ay ku dhaawadmeen dad ka badan 10 ruux, waa sida ay wararku sheegayaan.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaanan weli dhex galin dhinacyada dagaalku uu u dhaxeeyo oo ku kala abtirsada labada maamul, iyadoo iminka ay xiisadu cirka isku sii shareereyso.

Exit mobile version