Wednesday, November 5

Walaac ba’an oo dhanka bani’aadminimada ah ayaa laga muujinayaa magaalada Laascaanood, halkaas oo ay dhawaan ku soo noqdeen dadkii ka barakacay dagaalladii magaalada ka socday 7-da bilood.

Dowladda Soomaaliya oo SSC Khaatumo u aqoonsatay maamul KMG ah, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku baaqday in gurmad dhab ah lala gaaro gudaha magaaladaasi.

Dowladda ayaa sheegtay in boqolaal ka mid ah dadka reer Laascaanood ay wajahayaan daruufo khatar galin kara noloshooda, waxaana warbixintaasi la wadaagay Hoggaanka maamulka Khaatumo oo ku sugan Muqdisho.

Dowladda ayaa baaqan u dirtay hay’adaha sama falka ah, iyadoo cod dher ku sheegtay in lala dhaqsado gurmadka la gaarsiinayo Laascaanood, maaddaama xilligan ay dadka aad ugu baahi qabaan.

Laascaanood ayaa sida la ogsoonyahay waxaa muddo 7-bilood ka badan ka socday dagaal khasaare badan gaarsiiyey rayidka, waxaana magaalada ka barakacay bulshadii ku dhaqneyd, kuwaas oo u badnaa haween iyo caruur.

Exit mobile version