Waxaa maanta si rasmi u billaabatay doorashada dalka Turkiga, waxaana shacabku ay u dareereen goobaha cod-bixinta, si ay codkooda ugu taageeraan xisbiga ay siyaasadiisa la dhacsan yihiin.
Waxaa codkooda dhiiban doona dad lagu qiyaasay (Lexdan Milyan, Lex boqol, sagaashan & todobo kun) kuwaa oo ka codeyn doona (Kun, sagaashan & afar) Degmo oo guud ahaan Dalka Turkiga ah, waxaan sanaadiiqda codka lagu ridi doono ay gaarayaan (Boqol, sagaashan & koow kun) oo sanduuq.
Doorashadan ayaa ah mid indhaha lagu wada hayo, waana geba-gabada ay go’aamin doontoo cida la wareegeysa tallada dalkaasi
Doorashadan ayaa noqoneysa tii ugu adkeyd ee ka dhacda dalka Turkiga, iyadoo musharaxa mucaaridka Kemal Kilicdaroglu uu kal hore ka dhawaajiyey in ay soo afjari doonaan xukunka 20-ka sano ee xibiga talada haya
