Saturday, September 13

Dowladda Fadaralka Soomaaliya ayaa soo kordhisay cashuur cusub, taas oo lagu soo rogay iibka badeecadaha ganacsiga, waxaana dawladda ay ku sheegtay in ay noqon doonto boqolkiiba 5% lacagta go’ doonta.

Dhanka kale shirkadaha isgaarsiinta ayaa macaamiishooda fariimo u diray, taas oo ugu sheegayaaan in hantidooda gacan aamin ah ay ugu jirto oo aan wax cashuur ah laga qaadaynay lacagaha ay ka dhex diraan telefoonka, maadaama canshuurta si danbeysan oo Online ah dadka looga qaadayo, balse waqtigan waxaa soo if baxaya walaac hor leh.

Ganacsatada iyo shacabka ku nool magaaladda Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey, haddaba waa sidee aragtida bulshadu ee ku aaddan arrinta?

Abdiwaahid warsame oo ka mid ah, bulshada ku nool magaaladda Muqdisho ayaa isaga oo la hadlaya warbaahinta yiri:

“cashuurta la kordhiye waxa aan u arkaa nin baahan la yiri wax bixi. Iskoolku waa lacag , biyuhu waa lacag, korantadu iyo ijaarka/kiradu sidoo kale, iyo adeeg kasta oo aan u baahnahay ka bulsho ahaan. Hadda cashuurta cusub waxa aan u arkaa mid qalad ah, oo wax kasta oo aad soo gadato ayaa lacag laga goynayaa, taas oo caqabad weyn inagu ah bulsho ahaan, maddaama aan u badanahay dabaqada hoose iyo tan dhexe”

Dhanka kale Mohamed Abuukar, oo ka mid ah dhallinyarada ku shaqaysta bajaajta ayaa yiri”

“Soomaaliya maaddaama ay dawladdaha adduunka ay ku dayaneyso ee dadkooda ka qaada cashuurta, bulshada waxbay u qabtaan. Waxa ay helaan, waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo adeegyo kale oo bila lacag ah. Haddii aan cashuurtan bixino beddelkeeda ma helayna oo dawladdu adeegyo ma noogu qabanaysaa?”

Cashuur kordhintan bilaabatay ayaa ku soo beegmaysa, xilli oo muddooyinkii ugu danbeeyey shacabku ku nool magaaladda Muqdisho ay ka cabanayeen dhaqaalo yari aad u baahsan, iyadoo aan waxba loogu qaban canshuurihii ay hore u bixin jireen.

Exit mobile version