(Hortabin Media) – Waxaa saacadihii ugu danbeeyey korortay tirada dadka ku geeriyooday, daadadka iyo fatahaada ka dhalatay roobabka deyrta iyo isbaddelka cimilada ee El-nino.
Sida ay xaqiijisay hay’ada maareynta masiibooyinka, waxaa saacadihii ugu danbeeyey geeriyooday dad hor leh, taas oo tirada dhimashada ka dhigeysa 96 qof.
Hay’ada maareynta masiibooyinka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo SODMA ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday in daadadka iyo fatahaaduhu ay saameeyeen dad gaaraya laba malyuun oo qof.
Madaxda Hay’ada maareynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan in xaaladdu ay ka sii darto, waxaanay digniin hor leh u direen dadka ku sugan deegaanada uu maro webiyada Juba iyo Shabeelle, kuwaas oo ay ku wargaliyeen in ay ka dheeraadaan deeganadooda, sababo la xiriira khatarta roobabka oo weli taagan.
Hay’ada ayaa ugu danbeyntii tilmaantay in gargaarka la hayo aanu ku filneyn dadkaasi, oo marka tiradooda la fiiriyo aad u badan, waxeyna codsadeen in si dhab ah looga jawaabo xaaladda taagan.