Sunday, September 14

Gobolka Shabeelaha Dhexe deegaanno ka tirsan waxaa ka socda muddo toddobaad ah, waan waan lagu xalinayo dagaal beeleed u dhaxeeyo beelo walaalo ah.

Xalinta colaadan u dhaxeysa beelaha walaalaha ah, ayaa sida la sheegayo iminka mareysa heer gabo-gabo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan la soo afjaro.

Dadka isu taagay xalinta dagaalka beelahan u dhaxeeya waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, iyo wafdi kale oo ka kooban siyaasiyiin, culumo, iyo odayaal dhaqameed.

Shirka lagu xalinayo dagaalkan u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ayaa iminka ka socda deegaanka Burka Diirimeed  oo u dhaxeeya degmooyinka Cadalle iyo Raage-Ceelle, waxaana la is hor fadhiisiyey odayaasha beelaha is haya.

Nabadeynta colaadan ayaa irid cusub fureysa, maddaama inta badan ay soo noq noqdaan dagaal beeleedyada, kuwaas oo aanay jirin cid isu taagta isku soo dhaweynta beelaha dagaallamaya.

Exit mobile version