Saturday, September 13

Waxaa todobaadyadan aad u socda dadaalada loogu jiro, soo celinta wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland, ee ku wajahnaa midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo arrinta u xilsaaray Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Gulleed, ayaa looga fadhiyaa dhaqaajinta wada hadaladan.

Guuleed ayaa hore kulan wadatashi ah ula qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya, isagoo ka dhageystay aragtidooda ku aaddan sida ay ku laaban karto midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Iminka wuxuu Cabdikariin Guulleed, labbo casho ka hor la kulmay, Ergayga dowladda Turkiga u qaabilsan Wada-hadallada DFS iyo Somaliland,iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray halka howsha ay mareyso iyo kaalinta ay dowladda Turkey ka qaadan karto.

Somaliland ayaa ka biyo diidsan in ay la fariisato Soomaaliya, waxaanay tabasho xooggan ka qabtaa dowladdii kacaanka ahayd, taas oo dagaal la gashay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. 

Exit mobile version