Waxaa kordhaya dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacaya degmada Buulo- Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, sababo la xiriira cabsi ay dadkani ka qabaan ciidamada ATMIS.
Tan iyo markii Al Shabaab ay weerareen saldhigii ATMIS ee Buulo- Mareer, waxaa kordhay, cadadiska ay Ciidamada ATMIS ku hayaan dadka Deegaanka.
Ciidamada ATMIS ayaa markii ay dib u qabsadeen saldhigii laga saaray ee Buulo Mareer, waxey duqeymo ka fuliyeen gudaha degmada, iyagoo halkaasi ku dilay dad rayid ah.
Wal Wal-kaas amni ayaa ku qasbay dadka rayidka ah in ay guryahooda ka soo cararaan, waxaana waqtigan ay soo maciinsaden duleedka Muqdisho.
Qoysaska ka yimid Buulo-Mareer ee soo gaaray duleedka Muqdisho ayaa u badana beeraleey, balse xiligan waa kuwa wajahaya xaaladdo qalafsan, maddaama beerahoodii ay uga soo hayaameen cabsi ay ka qabaan ciidamada nabad ilaalinta awgeed.