Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno degmada Hobyo ee gobolka Mudug, wuxuu dab xooggan qabsaday doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed, taas oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta.
Doontan ayaa siday badeecooyin kala duwan oo ay ku jiraa gawaarida raaxada iyo agab kale oo muhiim ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow.
Sida uu sheegay Wasiirka doonta ayaa ku gubatay meel u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta Xeebaha Soomaaliya. taas oo walaac ku abuurtay ganacsatadii ay u rarnayd.
Wasiirka ayaa tilmaamay in doontan lagu magacaabo Furaat 3, waxaana 12-kii bishan ay kasoo baxday magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta, iyadoo ku soo jeeday Hobyo.
