Monday, September 15

Dab xooggan oo khasaare xooggan geystay ayaa xalay ka kacay Isbitalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Dabkan oo si gaar ah uga kacay qeybta ay Isbitalkaasi ka dagan yihiin naafada xoogga dalka ayaa geystay khasaare baaxad weyn.

Dabkan ayaa galaaftay guryo aad u fara badan, kuwaas oo gabi ahaanba basbeelay, waxaana guryahaasi daganaa ciidamadii ku naafoobay dagaalkii 1977 ay Soomaaliya la gashay Itoobiya.

Guryaha oo ku yaalla goobo ciriiri ah, ayaa hor istaagay in dab damisku ay dabka durba damiyaan, inkastoo markii danbe lagu guuleystay.

Gudaha dalka, waxaa si joogta ah u kaca dab, kaas oo sababtiisa dusha looga tuuro shirkadaha korontada, oo inta badan soo daaya dab aad u xajmi culus.

Exit mobile version