Kooxda Daacish, garabka Soomaaliya ka dagaallama, ayaa gudaha Muqdisho ku dishay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Qoraal ay Daacish soo dhigtay Akoonada ay ku leeyihiin baraha bulshada ayey ku sheegeen, in ay dileen sida ay hadalka u dhigeen murtad ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Kooxda ayaa sheegtay in dilka askarigan loo adeegsada walxaha qarxa, waxaana sida ay xuseen falkan ay ka geysteen degmada Yaaqshid ee gudaha caasimada Soomaaliya.
Daacish ayaa qeyb ka ah ururada argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya, waxaana xoogooda ay ku dhuumaaleystaan deeganada Bari ee Puntland, gaar ahaan buuraha Gal-gala.
Falkan ayaa dhinaca kale bidhaaminaya amni darrada baahsan ee ka jirta caasimada Soomaaliya, taas oo 10-kii casho ee ugu danbeysay sii siyaadeysay.