Friday, September 12

Walaac xooggan ayey waqtigan muujinayaan 10 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaas oo dhawaan gaaray xeryaha qaxootiga Kenya.

Qaxootigan oo ku sugan Xerada Dhadhaab, ayaa ka cabanaya cunno yarri baahsan oo heysata.

Waxey sheegeen in xaaladooda ay ka sii dareyso maalinba maalinta ka danbeysa, waana kuwo dalbanaya in lala soo gaaro gurmad deg deg ah.

Xeryaha Qaxootiga Kenya ayaa waxaa ku nool seddex boqol oo kun oo qaxooti Soonaaliyeed, kuwaas oo xalaadooda ay meel halis ah mareysa.

Exit mobile version