Saturday, March 7

Dagaalka ka aloosan Bariga Dhexe ayaa isu beddelay qalalaase dhaqaale iyo mid amni oo dunida oo dhan taabanaya. Warbixinno ay baahiyeen warbaahinta caalamku ayaa muujinaya in xiisaddu dhalisay cabsi, barakac iyo hoos-u-dhac dhaqaale oo ka jira dalal badan, iyadoo khatar gaar ah ay soo wajahday marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, oo ah halbowlaha maraakiibta shidaalka adduunka.

Dabcan, dhibbanaha ugu weyn ee dagaalkan wuxuu noqon doonaa Iiraan, oo wajahaysa weerarro ka imanaya Maraykanka iyo Israa’iil. Laakiin saameynta dhaqaalle oo ah mid baahsan ayaa gaareysa dalal badan oo caalamka ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Maraakiibta ayaa helay farriimo ka imanaya militariga Iiraan oo sheegaya in aan loo oggolayn wax maraakiib ah inay maraan marinka muhiimka ah ee Hormuz, Marin badeedkan waa waddo aad muhiim ugu ah gaadiidka shidaalka caalamka, iyadoo qiyaastii 20 milyan oo foosto oo saliid ah maalintii ay ka gudbaan, taasoo ka dhigan in 20–25% ganacsiga shidaalka ee dunida la mariyo badda iyo ku dhowaad shan meelood meel isticmaalka shidaalka ee caalamka.

Sida ay sheegtay U.S. Energy Information Administration (EIA), 20 milyan oo foosto oo shidaal ah ayaa maalin kasta la soo marinayay Marinka Hormuz tan iyo sanadkii sanadkii 2024, Tani waxay u dhigantaa ku dhowaad 500 oo bilyan oo ganacsi tamar ah sanadkii. Shidaalka ka gudba marinkan wuxuu ka yimaadaa Iraan, Ciraq, Kuwait, Qadar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Marinkan biyoodkan wuxuu ku yaallaa Iran dhanka waqooyi i iyo United Arab Emirates dhanka koonfureed. Inkastoo inta badan shidaalkan loo dhoofiyo Aasiya, haddana Afrika sidoo kale wuxuu ku leeyahay suuq weyn.

Kororka qiimaha shidaalka caalamka ayaa sababi kara in ay sare u kacaan kharashaadka gaadiidka iyo tamarta gudaha. Tani waxay kordhin doontaa qiimaha badeecadaha la soo dejiyo iyo kharashaadka gaadiidka gudaha ee dalalka Afrika

Sida la ogyahay Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa si weyn ugu tiirsan badeecooyinka dibadda laga soo dejiyo, waxaana carqalad ku timid marinnada ganacsiga iyo kororka kharashaadka gaadiidka ay ka qayb qaadan karaan sicir-barar baahsan oo xaragaha goosta.

Xiligan Afrika inteeda badan, gaar ahaan Geeska Afrika, oo oo ku tiirsan shidaalka iyo ganacsiga ka yimaadda dalalka Khaliijka, waxay si toos ah u dareemeen saameynta korodhka qiimaha shidaalka.

Durba Gudaha Soomaaliya Qiimaha Shidaalka magaalada Muqdisho ayaa kordhay 84% boqolkiiba muddo ka yar toddobaad oo uu socdo dagaalka Iiraan oo dhinac ah iyo Mareykanka & Israa’iil.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka shacabka ah iyo ganacsatada iibisa Shidaalka, laga soo billaabo 28 bishii hore Febraayo shidaalka saacad kasta waxaa ku kordhaya qiimo cusub, Tusaale, 28 bishii Febraayo shidaalka wuxuu ahaa $0.65 halka uu maanta maraya $1.2.

Marka la isbarbardhigo qiimihii hore iyo kan maanta, waxaa muuqata in shidaalku uu kordhay qiyaastii 84% muddo aad u kooban gudaheed, Sare u kacan degdegga ah ayaa saameynaya adeegyada bulshada sida gaadiidka dadweynaha, maadaama darawalada mootooyinka iyo basaska ay ku khasbaadeen inay kordhiyaan qiimaha si ay u daboolaan kharashka shidaalka ee qaaliga noqday.

Sidoo kale, saameyntu kuma koobna kaliya gaadiidka, balse waxay gaari kartaa heer sicir barar saameyaa nolosha bulshada Soomaaliyeed, Dhaqaaleyahannada ayaa tilmaamaya in lagama maarmaan tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo farogaliso arrinkaan, isla markaasna ay si dhow ula socoto sicirka suuqa si looga hortago in ganacsatadu ay si sharci darro ah u kordhiyaan qiimaha.

Sidoo kale, ganacsatada waaweyn ee shidaalka soo dejiya ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo u naxariisashada shacabka, iyagoo isku dayaya ka dhigaan qiimaha mid macquul ah oo saameyn nolosha dadka danta yarta ah.

si kastaba sii xoogeysashada dagaallkan ayaa halis dhaqaalle galin kara wadamo badan oo caalamka ah gaar ahaan Afrika halkaas oo ay weli ka jirto colaado iyo xasillooni darro dhaqaale oo baahsan.

Exit mobile version