Monday, September 15

Culeys amni oo aad u xooggan ayey wajaheysaa degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waana mid ku dhaw in ay la wareegaan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa iminka ku sugan nawaaxiga degmadaasi, iyagoo ku soo qaada weeraro joogto ah, oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan.

Culeyska amni ayaa sii kordhay kadib markii dhawaan, ay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya ay faarujiyeen saldhigyo dhowr ah, oo uu ka mid yahay midkii ku yaalay deegaanka Girileey.

Maamulka degmada Ceelwaaq oo warbaahinta la hadlay, ayaa muujiyey culeyskaas amni ee kaga imaanaya Al Shabaab waxeyna ka deyriyeen suura galnimada ay gacantooda ku nagaato Ceelwaaq.

Maamulkan ayaa dalbaday in laga samata bixiyo degmada xaaladda amni darro ee hareysay, iyagoo codsaday ciidamo dheeraad ah oo baacsada Al Shabaab.

Exit mobile version