Sunday, September 14

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib iyo dadka deegaanka ayaa howlgal lagu Ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ay sida wadajirka uga fuliyeen dhulka howdka ah, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay dhagarta khawaarijta si aysan dhibaato ugu geysan shacabka ku nool deegaanadaas.

Taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Maleeshiyaadkaas ayaa isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud, waxaana jirta in ay weli Ciidanku ku raad-joogaan firxadka nabadiidka.

Exit mobile version