Thursday, September 11

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad iyo kuwa ATMIS qeybtooda Baraawe oo iskaashanaya ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Howlagalkan oo ahaa howlgal qorsheysan ayay ciidamada ku xoreeyeen deegaano ay ka mid yihiin Daaboole, Xaliima-yaale, Ceelxiiran, Barooddooy iyo Bulxaluud oo gacanta ugu jiray argagixisada.

Maxamed Xuseen, Hortabin Media

Exit mobile version