Thursday, January 15

Ciidanka kooxda SDF ee Kurdiyiinta ay hoggaamiyaan ayaa weerarray isgayso ay maamullan ciidanka dawladda Suuriya oo ku yaalla magaalada Xalab, halkaa oo saacadihii ugu danbeeyey ay ka socdeen iska horimaad toos ah, sida ay werisey Al Jazeera oo xiganaysa wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.

Ciidanka dawladda Suuriya ayaa iyaguna billaabay inay taangiyo isaga caabiyaan ciidanka SDF ee Kurdida kuwaa oo weerarray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dawladda oo ku yaal magaalada Xalab, iyadoo iska horimaadka labada dhinac uu socdo tan iyo galinkii dambe danbe ee shalay.

Hoggaamiyeyaasha qabiilooyinka Carabta Suuriya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan ciidanka Kurdida ee SDF oo duullaan ku qaaday saldhigyada ciidanka dawladda Suuriya ee magaalada Xalab, iyagoo ku eedeynaya inay weerarro ku hayaan rayidka magaalada Xalab, isla markaana ballanqaadaya daacadnimo ay u hayaan dawladda cusub ee Suuriya.

waxey shacabku yiraahdeen Waxaan ku dhawaaqeynaa diyaar garowgeenna iyo rabitaankeenna inaan garab istaagno dowladdeenna si loo joojiyo gardarrada loona jebiyo maleeshiyaadka argagixisada ah ee SDF.

Waxaan diyaar u nahay inaan nafteena iyo nafsaddeenna u hurno… ilaa ay dawladda Suuriya si buuxda ula wareegto gacan-ku-haynta dhammaan dhulka Suuriya.”

Inta la ogyahay Labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay sideed kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo iyo dagaalka tooska ah ee ka dhacay magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya.

Dhinacayada ayaa eed dusha isaga tuuraya Afhayeen u hadlay SDF ayaa bayaan uu soo saaray ku eedeeyay ciidamada dowladda Suuriya inay rasaas ku fureen bar koontarool oo ay lahaayeen Kurdiyiinta, halka saraakiisha dowladduna ay ku eedeeyeen SDF inay markii hore iyagu weerarka soo qaadeen.

Weerarka ay soo qaaday SDF ayaa ku soo aadaya xilli Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan uu ku sugan yahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, isagoo kala hadlaya Axmed Sharac, sidii SDF loogu dhex dari lahaa ciidanka cusub ee Suuriya, ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee soo socda.

Turkiga ayaa muddo dheer kooxdan dagaal kula jiray, waxeyna ilaa waqtigan Ankara u aragtaa kooxdaasi mid halis ku ah amniga dalkeeda.

Kooxdan kurdida Qiyaastii tiradooda waa 25 illaa 35 milyan oo Kurdiyiin ah kuwaas oo ku nool dhulka buuraleyda ah ee ku hareereysan xuduudaha dalalka Turkiga, Ciraaq, Suuriya, Iraan iyo Armenia. Waa qowmiyadda afaraad ee ugu badan Bariga Dhexe, balse weligood ma aysan yeelan dal u madax bannaan oo ay ku mideysan yihiin, waa qadiyada ilaa maanta ay gucla oradka ugu jiraan.

Iiraan ayaa la rumeysan yahay in ay waqtigan dabada ka riixeyso kooxdan maaddaama ay muddo badan taageeraysay sida uu warbaahinta bariga dhexe u sheegay sarkaal mareykan ah Iiraan ayaa dib u bilowday hubeynta kooxaha ay taageerto ee gobolka, oo ay ku jiraan kurdiyiinta, Waxey bilihii ugu danbeeyey dagaalyahano u direen gobolka Kurdistan ee dalka ciraaq iyo waqooyi bari suuriya oo ay gacant ku hayaan ciidanka kurdiyiinta.

Axmed Al Shara oo ay ka go’an tahay inuu kooxdan ku soo biiriyo dowladnimada Suuriya ee dib u curatay, ayaa niyad jab ballaaaran ka muujinaya falalka amniga dhibka ku ah ee ay waqtigan wadaan.

Sida la ogyahay Bishii Maarso, Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa heshiis la saxiixday SDF, oo maamusha dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyi-bari Suuriya, kaas oo dhigaya in kooxda lagu daro hay’adaha dawladda, balse dagaalkan soo cusboonaaday ayaa xaalada waji kale u yeelaya xilli dhawaan Suuriya ay u dabaal degtay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii xukunka laga tuuray Bishaar Asad.

Exit mobile version