Friday, September 12

Ciidamada nabad iyo sirdoonka qaranka iyo ciidamada booliiska somaaliyeed oo iskaashanaya ayaa hawalgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanada hoosyimadaa degmada Baladxaawo sida Najax iyo Abdi Ducaale ayaa  khawaarijta  kaga soo bad baadiyay muwaadin u dhashay qowmiyada Oromada oo ay halkaasi nabadiidka ku heysteen kuna dhibaateynayeen.

Muwaadinkan oo u jeebeysnaa argagixisada Jirdil xoogana uu ka muuqdo ayaa markii ay maqleen in ciidanka qaranka soomaliyeed ay ku soo socdan iskaga firxaday goobta.

Ciiidanka qaranka ayana si nabad ah u soo badbaadiyay muwaadinkan waxaana hada lala tacaalayaaa xaaladiisa caafimaad.

Inta badan Al Shabaab ayaa ujeedo la’aan u afduubata bulshada socotada ah, waxeyna u adeegsadaan in ay dagaal galiyaan.

Exit mobile version