Saturday, September 13

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan ururka 45-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal burburin ah waxay ka sameeyeen qaar kamid ah deegaano Maleeshiyaadka Argagaxisadda isku baabulayeen.

Ciidanka ayaa dilay shan kamid maleeshiyaad isku aruursanayey deegaanada kala Garas, Eelmereer iyo Kurto oo hoostaga gobolka Bay.

Howlgalka waxaa hogaaminayey Taliyaha ururka 45-aad ee guutada 8-aad X/le Ali Nuur Ali Madow.

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa kordhayey howlgalada ay sameynayaan ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu baacsanayo kooxda argagixisada ee Al Shabaab.

Exit mobile version