Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Baladweyne, ciidamo taabacsan Gudoomiyihii xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan ayaa la wareegay dhamaan xarumihii Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan.
Xiisadan sii xoogeysaneysa, ayaa caqabad ku noqoneysa Hirshabelle, waxaana macquul ah in xaaladdu ay isku baddesho dagaal toos ah oo dhinacyada ka dhex qarxa.
Cali Jeyte ayaa isku dayaya inuu isticmaalo awood ciidan, maaddaama uu taageero ka heysto, shacabka magaalada Baladweyne, oo si xooggan uga soo horjeestay xil ka qaadistiisa.
Hirshabelle wasiir u hadlay wuxuu ka dhawaajiyey in aysan aqbaleynin maamulka cusub ee uu ku dhawaaqay, taas oo xaalka sii cakireysa.
Si kastaba lama ogga halka uu ka danbeyn doono, xiisada ka ooggan Baladweyne, waxaase waxgaradku ay ku baaqayaan in khilaafka lagu xaliyo is faham.