Sunday, February 15

Sida lagu baahiyay xogo ay heshay Africa Intelligence, saraakiil ciidan oo Suudaani ah ayaa tababarro ciidan ka wada badhtamaha Soomaaliya, waxana ay ilaa hadda tababareen tiro gaadhaysa ilaa 1,000 askari oo ku sugan deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug.

Hawlgalkan ayaa la sheegay in uu hirgalay, iyada oo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin, xilligan oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexaysa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, lamana shaacin ujeeddada rasmiga ah ee laga leeyahay ciidankan sida qarsoodiga ah loo diyaarinayo.

​Sida ay warbixintu xustay, tababarka ciidankan waxa toos u maamulaya xafiiska Hay’adda Sirdoonka ee Muqdisho ee uu hoggaamiyo Mahad Salaad, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka –NISA. Lama oga ilaa hadda halka loo wado askartan iyo ujeedka laga leeyahay, iyada oo uu loollan siyaasadeed oo xooggani ka jiro hadda Soomaaliya.

Warbixintu ma ay bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan muddada uu tababarku socday, iyo weliba nidaamka maalgelinta iyo saanadda ee lagu kabayay hawlgalkan. Waxa ay warbixintu soo xigatay in qandaraas qarsoodi ah lagu qaatay oo lala galay kooxo ciidan oo Suudaani ah oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo S/G Cumar al-Siddiiq Ibraahim Maxamed, kuna weheliyeen Gashaanle Sare Magdi Ibraahim Maxamed, Muscab Suleymaan Cabdallah, Gashaanle Dhexe al-Khaatim Cabdallah Maxamed, iyo Rabiic al-Zeyn Cali al-Amiin. Lixdaas sarkaal iyo sagaal sarkaal-xigeen ayaa la sheegay in lagu qaatay qandaraas hal sano ah oo dib loo cusboonaysiin karo, kaas oo lagu galay magaalada Cadaado, bishii Febraayo 2025, iyada oo mushaharkooda bishii uu u dhaxeeyey $1,000 ilaa $2,000.

​Hawlgalka tababarkan ayaa loo badinayaa in uu qayb ka yahay xidhiidho amni oo si guud loo ogyahay oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Khartuum. Bishii Ogost, 2025, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socday Sirdoonka Suudaan, iyada oo uu goobjoog ahaa agaasimaha NISA. Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah, wada-hadalladaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee labada dhinac.

​Barnaamijkan tababarka ee ay Suudaan qaybta ka tahay ee Galmudug, waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay jiraan caddeymo isa soo taraya oo sheegaya in Soomaaliya ay aad ugu dhex-milmayso loolanka amni ee gobolka ee la xidhiidha Suudaan, oo ay ku jiraan eedaymo sheegaya in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay yihiin marin loogu kala gudbiyo hubka iyo calooshood-u-shaqaystayaasha dhinacyada Suudaan. Wararka qaarkood ayaa tilmaamay doorka Imaaraadka Carabta oo saldhigyo iyo dhaqdhaqaaq ku leh dekedda Boosaaso ee Puntland, halkaas oo la sheegay in Abu Dabay ay ka maamusho saldhig iyo hawlgallo socda.

Si kasteba ha ahaato e, ciidamadan ayaanay caddeyn in loo adeegsan doono loollanka gudaha ee maamulka Galmudug oo ay doorashadiisu soo socoto, iyo in Federaalku ugu diyaargaroobaya dagaal ka dhan ah maamullada kale ee mucaaridka ku ah, waxa se hubaal ah in ku lug-lahaanta Suudaan ay keenayso loollan heer gobol ah oo Soomaaliya ku sii xoogeysanaya.

Exit mobile version