Saacadihii la soo dhaafay Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay deegaanka Buq-dharkayn oo hoos yimaada degmada Yeyle ee duleedka gobolka Sool.
Ciidamadan oo isugu jira qeybo kala duwan ayaa la filayaa in ay dhawaan weerar ku soo qaadaan saldhigyada ciidamada SSC.
Ciidamada la keenay duleedka gobolka Sool waxaa ka mid ah, kuwo maleeshiyo beeleed ah, oo doonaya in ay ka qeyb qaataan dagaalka.
Tan iyo markii Somaliland laga saaray Goojacadde, waxa ay waday abaabul ciidan, waxana qorshahooda uu ahaa in ay dib ula wareegaan goobihii gacan ku heynteeda laga fara maroojiyey.