Thursday, September 11

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa maanta sheegtay in ay ciidamadeeda ay kala baxday magaalada muhiimka ah ee Lyman ee bariga Ukraine, iyadoo sabab uga dhigtay “hareerayn hallis ah” oo ay ciidamada Ukraine ku sameeyeen ciidamadooda.

Qabsashada Lyman ayaa dhabar jab weyn ku ah Moscow kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhawaaqay Jimcihii in gobolka Donetsk iyo saddex gobol oo kale ay ka mid noqonayaan dalka Ruushka.

Ciidamo qiyaastii ku dhaw 5,000 ilaa 5,500 oo askari ayaa Ruushka ka joogay magaalada Lyman, kuwaas oo loo adeegsan jiray hawlgallada Ruushka ee waqooyiga gobolka Donetsk.

Afhayeen u hadlay militariga Ukraine ayaa sheegay in qabsashada Lyman ay u ogolaaneyso Kyiv in ay u sii gudubto gobolka Luhansk , kaasoo qabsashadiisa Moscow ay ku dhawaaqday horaantii bishii July ka dib dagaalo culus oo muddo toddobaadyo ah ku dhex maray labada dhinac.

Exit mobile version