Sunday, September 14

Booliska dalka Kenya ayaa sameeyey howlgal ballaaran, kaas oo lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab, oo bilihii ugu danbeeyey ku dhuumaaleysanayey gudaha Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa howlgalkan ka fuliyey deegaanka xadka dhaca gaar ahaan degmada Mandheera, iyagoo sida ay sheegeen halkaasi ku dilay xubno ka tirsan Al Shabaab oo ay tiradooda ku sheegeen 20 dagaalyahan.

Qoraalkan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee booliska Kenya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sii wadi doono howlgallada lagu baacsanayo Al Shabaab.

Warka ka soo baxay Kenya ayaa sidoo kale lagu xusay, in howlgalkaasi lagu soo furtay hub badan oo ay Al Shabaab lahaayeen, waxaana sida la tilmaamay lagu daba jiraa kuwii baxsaday.

Al Shabaab, ayaa labadii bilood ee ugu danbeysay saameyn xooggan ku yeelatay amniga gudaha Kenya gaar ahaan, deegaanada dhaca xadka, halkaas oo ay ka geysteen falal lidi ku ah amniga dalkaasi.

Exit mobile version