Monday, September 15

Ciidamada maamulka Jubaland ayaa howlgalo ka sameeyey deegaanno ka tirsan maamulka Jubaland.

Howlgaladan ayaa laga fuliyey deegaanada Buulagaduud iyo Janaay Cabdalle oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana laga soo hoyey guulo wax ku ool ah.

Howlgalka intii uu socday ciidamada ayaa ka hortagay goobo lagu farsameynayey walxaha qarka, iyagoo fashiliyey dhowr qarax.

Mudooyinkii ugu danbeeyey ciidamada Jubaland ayaa waday howlgalo ballaaran, waxaana la filayaa in dhawaan halkaasi ay ka billawdaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Exit mobile version