(Hortabin Media) – Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midawga Afrika, ayaa dagaal saacado badan qaatay waxa uu dhex maray iyaga iyo kooxda Al Shabaab.
Dagaalka oo ahaa mid rogaal celis ah, oo ay ciidamada Itoobiya kaga jawaabayeen weerar lagu qaaday Axadii, ayaa ka dhacay meel u dhaw degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Ciidamada Itoobiya ayaa dagalka ka sheegtay guullo, iyagoo xusay in ay dileen 55 ka mid ah kooxda Al Shabaab.
Axadii aynu ka soo gudubnay ayey ahayd markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan gaadiidka ciidamada Itoobiya, waxaana war ka soo baxay Al Shabaab ku sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen 167 askari oo Itoobiyaan ah.
Hase ahaatee weerarkan rogaal celiska ah oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa Ciidamada Itoobiya ku wehlinayey kuwo xoogga dalka.
Kooxda Al Shabaab ayaa labadii sano ee ugu danbeysay la kulmeysay dhabar jab xooggan, waxaana kooxda ay lumiyeen gacan ku heynta deegaanno muhiim ah, iyadoo uu isi soo tarayo khasaaraha gaaraya.