Sunday, September 14

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah gudah ugu galay deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, oo ka mid ahaa goobaha ay heysteen Al Shabaab.

Dhamaan saldhigyadii ku yiilay Shabeelow iyo miyiga deegaankaasi ayey isaga baxeen Al Shabaab, kadib dagaallo iyo weeraro dhanka cirka ah oo ay maalmihii ugu danbeeyey kala kulmayeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya.

Ciidamada deegaanka ayaa waxaa qabsashada Shabeelow ka caawiyey ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, waxaana sida ay sheegeen saraakiisha dowladda lagu daba jiraa firxadka Al Shabaab.

Deegaanka Shabeelow ee lala wareegay, waxaa booqday Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Mudug, masuuliyiin iyo saraakiil kale, kuwaas oo warbaahinta halkaasi kula hadlay.

Saldhigyadii Al Shabaab ee Shabeelow ayaa loogu tagay meydad fara badan, oo sida la aaminsan yahay ah, xubnihii Al Shabaab ee ku geeriyooday duqeyntii maalmihii ugu danbeysay laga fuliyey deegaankaasi.

Exit mobile version