Thursday, September 11

Qeybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ugu dameyn soo afjaray haysashadii maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Hotelka Xayaat oo in ka badan 30 saacadood ka dhex dagaalamayay hoteelka dhexdiisa, sida uu sheegay taliye sare oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

“Ciidamada ammaanka waa ay soo afjareen howlgalka, dhammaan dableydana waa ay dhinteen, wax xabad ah naguma soo dhaceyn saacaddii tagtay,” ayuu yiri taliyaha la hadlay wakaaladda wararka ee AFP. Taliyaha ma uusan sheegin tirada laga dilay maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhimashada ayaa lagu soo waramayaa on ay ku dhawdahay illaa 30, iyadoo dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Burbur xoog leh ayaa soo gaaray hotelka iyo dhismayaasha kale ee ka ag dhow hoteelka kadib markii ay ciidamada ammaanka isticmaaleen hubka noocyadiisa culus si kooxihii weerarka soo qaaday looga saaro qeybo ay adkaatay in loogu galo.

Weerarkan ayaa noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version