Saturday, September 13

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigan tuulo, hoostaga deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud

Degaanka la qabsaday oo lagu magacaabo Cali-Cameey ayaa u dhaxeeya deegaanada Galcad iyo Cali-heela oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Ka hor qabsashada ciidamad dowladda ee Tuuladan, waxa uu dagaal culus halkaasi ku dhex maray iyaga iyo Al Shabaab, sida ay goobjoogayaashu sheegayaan.

Lamo ogga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Deegaankan la qabsaday ayaa muhiim u ahaa kooxda Al Shabaab, iyagoo ka soo abaabuli jiray weerarada ay ku qaadayaan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida la wada ogyahay, 6-dii bilood ee ugu danbeysay Al Shabaab ayaa lumisay deegaano badan oo muhiim u ahaa kooxda, kuwaas oo ka tirsan Maamullada Galmudug iyo Hirshabelle, waana arrin bidhaamineysa culeyska xooggan ee ay kala kulmayaan gulufka iyaga ka dhanka ah ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Exit mobile version