Sunday, September 14

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihi la soo dhaafay gacanta ku dhigay mid ka mid ah saldhigyadii ay Al Shabaab ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug.

Saldhiga lala wareegay oo ku yaalla buurta lagu magacaabo Badbad, ayey muddo dheer gacanta ku hayeen Al Shabaab, waxaana looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada dowladda.

Dagaalka lagu qabsaday saldhigan oo qaatay wax ka badan 48-saacadooda, ayaa sababay in ay barakacaan dadkii xoola dhaqatada ahaa ee halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in saldhiga ay qabsadeen ay ku arkeen meydadka xubnihii Al Shabaab, ee dagaalka ku geeriyooday iyo saanad ciidan, oo ay Al Shabaab halkaasi uga carartay.

Saraakiisha ayaa ka dhawaajiyey in ay ku daba jiraan firxadka xubnihii Al Shabaab ee ku sugnaa saldhigaasi, kuwaas oo u baxsaday dhulka hawdka ah.

Exit mobile version