Monday, September 15

(Hortabin Media) –  Howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada dowladda ayey kula wareegeen deegaanada Hilowle Gaab iyo Ruunir-good oo maalmihii la soo dhaafay gacantooda ka baxay.

Al Shabaab ayaa degmada Ruunir-good iyo deegaanka Hilowle gaab isaga baxday kadib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan.

Xaaladda degmada Ruunir-good ayaa iminka degan, waxaana ku sugan ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda, sida ay warbaainta u sheegeen saraakiisha howlgalkan hor boodeysa.

Gulufkan ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay ka joogaan maamullada Hirashabelle iyo Galmudug.

Exit mobile version