Monday, September 15

(Hortabin Media) – Ciidamada dowladda iyo xoogaga deegaanka ayaa goordhaw la wareegay Degmada Camaara ee gobolka Mudug, iyadoo aanu ka dhicin wax dagaal ah.

Kooxdii Al Shabaab ee ku sugneyd degmadaasi ayaa halkaasi isaga baxay, kadib markii ay ogaadeen, gulufka culus ee ku soo fooda leh.

Qabashada Camaara waxaa warbaahinta u xaqiijiyey wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala oo ku sugan degmadaasi.

Gacan ku dhigista ciidamada dowladda ee Camaara ayaa imaaneysa, xilli shalay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaanno hoostaga degmadaasi.

Camaara ayaa noqoneysa mid ka mid ah degmooyinka Istaraatiijaga ah ee leh taariikhda weyn, waxeyna qeyb ka noqoneysaa degmooyinka ay Al Shabaab lumiyeen gacan ku heyntooda.

Qabashada Camaara ee dowladda Soomaaliya, ayaa ku suntan tallaabo dhiira gelineysa gulufka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaanada maamullada Galmudug iyo Hirshabelle.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version