Sunday, September 14

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka degaanka Gaafgaduud-buurey ee gobolka Baay.

Ciidamada ayaa deegaankan la wareegay, kadib dagaal ay ku qaadeen kooxdii Al Shabaab ee halkaasi ku sugneyd, kuwaas oo shalay galinkii danbe isaga baxay deegaankaasi.

Dagaalka labada dhinac dhex maray ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo ugu danbeyn suura galisay in ciidamada xoogga ay gacantooda soo gasho deegaanka degaanka Gaafgaduud-buurey.

Deegaankan ayaa hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waana halka ay Al Shabaab ka go’doominayeen dadka Baydhabo mudooyinkii ugu danbeeyey.

Exit mobile version