Monday, September 15

(Hortabin Media) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyey gacanta ku dhigay deegaano fara badan oo hoos-taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Deegaanada ay ciidamada dowladdu la wareegeen waxaa ka mid ah Jaaw iyo Burujeed, iyagoo markan qorshahoodu yahay in ay gacantooda soo gasho degmada Ceelbuur.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jiho ka abaaray degmada Ceelbuur oo fariisin adag u ah Al Shabaab, oo halkaasi ka arriminayey sanadihii ugu danbeeyey.

Gulufkan ayaa qeyb ka ah qorshaha wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeeda Al Shabaab, waxaana xusid mudan in madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka hoggaaminayo dagaalka.

Exit mobile version