(Hortabin Media) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay deegaanka Qodqod oo hoostaga degmada Camaara ee gobolka Mudug
Dagaal saacado badan socday ayaa sababay in halkaasi ay isaga baxaan Al Shabaab oo mudooyinkii ugu danbeeyey halkaasi ku sugnaa.
Dagaalka oo cuslaa ayaa sidoo kale suurageliyey in Kooxda laga fara maroojiyo deegaanno badan oo hoostaga Camaara oo degmo qadiimi ah oo ka tirsan gobolka Mudug.
Ciidamada dowladda ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi, balse Al Shabaab weli kama hadlin dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.
Mudooyinkii ugu danbeeyey ciidamada dowladda ayaa dagaal xooggan kula jiray Al Shabaab, iyagoo ka saaray deegaanno badan.