Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saacadaha soo socda ay la wareegeyso deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo qaraar.

Ciidamada ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaano hoos-taga degmada Wabxo, waxaana sida ay dowladdu sheegtay ay halkaasi ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab oo tiradoodu ay gaareyso 30.

Hadalkan waxaa warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdulaahi Cali Caanood, kaas oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dagaalladii ka dhacay deegaanada hoos-taga Wabxo.

Afhayeenka ayaa sheegay in afar jiho laga weeraray saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanada Ceelbacad iyo Lix-iridood, halkaas oo ay ku gaarsiiyeen Al Shabaab sida uu sheegay khasaaro baaxad leh.

Wuxuu sidoo kale afhayeenku rajo wanaagsan ka muujiyey gulufka ka dhanka ah Al Shabaab, isagoo xusay in maalmo kadib gacanta lagu dhigi doono degmada Galhareeri oo xarun muhiim ah u ah Al Shabaab, oo ka arrimineysay sanado fara badan.

Exit mobile version