(Hortabin Media)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay qabtay deegaanka Ceel-garas, ee gobolka Galgaduud, waxaase sida wararku sheegayaan ay ka baxeen maqribnimadii caawa.
Ciidamada dowladda ayaa dib ugu soo laabtay deegaanka Ceel-la-helay, oo maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaayeen.
Maanta markii la qabtay Ceel-garas waxaa gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.
Walaac fara badan ayaa laga muujiyey ka bixitaanka ciidamada dowladda ee Ceel-garas, maaddaama ay ahayd marinkii ay isaga gurmanayeen argagixisadii jirta jihadda Ceelbuur iyo kuwa jira Xiindheere iyo Qaayib ku sugan.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli wada abaabul Al Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe, waxaase mar walba fashilmaya qorshaha dowladda, iyadoo ciidanku ka baxayaan hadba deegaankii la qabto.
WQ: Ayaanle Qoyste