Friday, September 12

Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka NISA ee fadhigoodu yahay magaalada Marka ayaa si wadajir ah u fuliyey hawlgal qorsheysan oo lagu baacsanayay firxadka Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Tuulooyinka kala ah Buule-arundi, Malable, Beeraha-baay iyo Busley-daa’uud ayay ciidamadu Qaranku ku burburiyeen goobo argagixisada gabbaad u ahaa iyo Doon ay uga kala gudbi jireen labada dhinac ee Wabiga.

Hawlgalkan guuleystay waxaa wadajir u hogaaminaayay taliyaha ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee xoogga dalka Gaashaanle Maxamed Nuur iyo Taliyaha NISA ee degmada Marka Maxamed Sheekh.

Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey kordhay howlgalada ay fulinayaan ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo baacsanaya kooxda Al Shabaab

Exit mobile version