Monday, September 15

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 260-aad ayaa howlgallo qorsheysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bokool., halkaas oo ay ku sugnaayeeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaanka Eel-Boon oo Qiyaastii 48 KM dhanka Galbeedka kaga beegan degmada Waajid ee Gobolka Bokool.

Taliyaha Ururka 260-aad Ee Guutada 9-aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Dhamme Onkod Macalin Aadan ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in deegaankaan laga saaray Al-Shabaab, sidoo kale Al-Shabaab  looga furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga tageen deegaankaas.

Taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Bakool.

Exit mobile version