Monday, September 15

(Hortabin Media) – Maqribnimadii caawa waxaa magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

Dagaalkan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kuwo Macawiisleyda ayaa yimid, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dilay nin ka mid ah ciidamada deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda.

Intaasi wixii ka danbeeyey ciidamada deegaanka ayaa weerar ku qaaday fariisin ay Maxaas ku leeyihiin ciidamada dowladda, gaar ahaa guutada Khaalid Binu Waliid, oo uu ka tirsanaa askarigii dilka gaystay.

Dagaalkaasi oo saacado socday waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna dhaliyey dhimashada labo askari oo ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaallamay.

Guutada Khaalid Binu Waliid oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik iyo ciidamada deegaanka ayaa iminka laga dhex wadaa waan waan ku aaddan xalinta is faham waaga dhacay.

Wallow ilaa iyo iminka ay arrintaasi ku howlan yihiin waxgarad iyo masuuliyiin ka tirsan Maxaas, haddana waxaa caawa magaalada ka taagan xiisad ku aaddan arrintaasi, iyadoo shacabkuna ay dareemayaan cabsi xooggan.

Dhacdadan ayaa dhabar jab xooggan ku noqon karta howlgalka looga soo horjeedo Al Shabaab, mar haddii ay kala shakiyeen ciidamadii isku mowqifka ahaa, waxaana laga dhursugayaa sida loo xaliyo xiisada caawa ka taagan Maxaas.

Exit mobile version