Sunday, September 14

Wararka ka imaanaya deegaanka Caad oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal xooggan ka dhacay, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday saaka Aroortii  hore kadib markii meel ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku soo qaadeen Al Shabaab.

Dhinacyada ayaa intii uu dagaalku socday isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalku uu qaatay saacado badan, inkastoo la iska caabiyey kooxdii AL Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku soo qaada fariisimada ciidamada dowladda, xili ururuka laga saaray dhul badan oo ay kaga sugnaayeen bartamaha Soomaaliya.

Exit mobile version