Saturday, September 13

Ciidamada Kumaandoosta Danab ayaa habeenimadii xalay ahayd howlgal qorsheysan ku qaaday fariisimo ay Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud, sida ay shaaciyeen saraakiishii howlgalkaasi hor boodeysay.

Ciidamada ayaa howlgalkan si gaar ah uga fuliyey deegaanka Gariile oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ku dhuumaaleysanyey sida ay sheegeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Saraakiisha Danab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen xubno Al Shabaab ka tirsan oo gaaraya 27 dagaalyahan, iyagoo xusay in tiro kalana ay khasaare ku gaarsiyeen.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku jiraan horjoogayaal kooxda muddo dheer ka tirsanaa, kuwaas oo si joogta ah u dhibaateyn jiray shacabka ku dhaqan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Exit mobile version