Sunday, September 14

Dadka Beeraleyda ee ku dhaqan Baladweyne ayaa cabasho xooggan ka muujinaya cayayaano xaalufiyey beerahoodii, arrintaas oo ku abuurtay niyad jab ballaaran.

Beeraleyda ayaa sheegaya in xilli beerashadii sanadkan dalagyadii ay dhigteen inta badan uu saameeyay cayayaan, kaas oo khasaariyay dalagyadii ay filayeen in ay goostaan.

Cayayaanka iyo fatahaadii webiga ayaa saameyn xooggan ku yeelatay beeraleyda, kuwaas oo xiligana ay soo food saartay xaalad niyad jab ah.

Waxaa sanadkan yar dalagyada la fili karo in ay ka soo go’aan beeraha ku teedsan webiga ee Baladweyne, sababo la xiriira xaalufka uu cayayaanku u geystay inta badan dalagyadii.

Beeraleyda Soomaalida ayaa wada dadaallo aad u fara badan, hase ahaatee waxaa lug xiraya caqabadaha deegaanka ee ku gadaaman, kuwaas oo diidaya in ay sidii la rabay ay dalagyadu u soo go’aan, maddaama aanay heysan wax garab ah oo dowladda uga imaanaya.

Exit mobile version