Toddobaadkan waxaa adduunka laga xusayaa maalinta joojinta ama ka hortaga caruurta da’da yar ee lagu shaqeysto, xilli Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ka shaqeeyaan caruurta da’da yar.
Dhinacyada isku haya siyaasadda dalka ayaa adeegsada caruurta, kuwaas oo qaarkood la askareeyo, waana tallaabo ay in basan ka digeen hay’adaha u dooda xuquuqda caruurta.
Sida laga war qabo Soomaaliya caruurta ugu badan ee shaqeysa, ayaa ka soo jeeda qoysaska dan yarta ah, sida barakacayaasha iyo kuwo uu hooseeyo heerkooda dhaqaale.
Caruurta qoysaskaasi ka tirsan qaarkood ayaa ah, caaseeyayaal, ama ku baalasheeya kabaha, waana arrin ay inta badan ka mutaan dhibaatooyin fara badan.
Qaar ka mid ah caruurta ayaa dadka waa weyn kala kulma tacadiyo isugu jira in loo gacan qaado ama loo diido lacagtii ay shaqeysteen.
Dhibaato kale oo taasi la mid ah waxaa maraya, gabdhaha yar yar ee ka soo jeeda qoysaskan barakacayaasha ah, kuwaas oo dhabarka oo biyaha usoo dhaamiya qoysaskooda, iyagoo dusha ku soo qaadaya jirgaanka qaadkiisu yahay 20-laha
Gabdhahan oo da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 13 sano, ayaa la kulma dhibaatooyin ay ugu horeyso xajmiga culeyska ay qaadayaan, kaas oo xaaladooda caafimaad halis galin kara.
Caruurtan aad u da’da yar ayaa isku daya, in dhaqaalle ahaan iyo xoog ahaanba ay kabaan qoysaskooda, oo daruufo adag wajahaya, balse garabka ee ay qoysaskoodu u yihiin, waa kuwa ka dhaxla dhibatooyin aad u badan.
Masuuliyadahaas adag ee ay caruurtani dhabarka u riteen, waxaa usii dheer waxbarasho iyo daryeel la’aan, taas oo shaki ballaaran galineysa halka uu biyo shuban doono mustaqbalkooda.