Sunday, September 14

Dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sameeyey isku shaandheyn isugu jirta magacaabis iyo xil ka qaadis, waxaana xilkii laga xayuubiyey Wasiirkii Maaliyada Soomaaliya.

Dadka Falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa sheegay in waqti halis ah ay ku soo aaday xil ka qaadista Wasiirka Maaliyada Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

Qubaradan ayaa sheegaya in arrintan ay dhaawaceyso hannaan deyn cafinta Soomaaliya, oo uu wasiirku muddo badan ka shaqeynayey, isagoo howshaasi u lahaa qibrada iyo waayo aragnimo dheeri ah.

Isbaddelka masuuliyada Wasaarada Maaliyada, ayey sida ay qubaradu tilmaamayaan cuuryaamin karta hannaankaasi deyn cafinta, maaddaama ay waqti qaadaneyso in wasiirku cusub uu la qabsado heerka howsha la marsiinayo.

Waxey sheegayaan qubaradu in tallaabadaasi ay ahayd mid uu ka muuqday deg deg, taas oo saameyn ku yeelan karta dadaaladii laga gaaray arrimaha deyn cafinta.

Xil ka qaadista Wasiirka Maaliyada Dr Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa u muujineysa khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, maaddaama la ogsoon yahay inuu qeyb ka ahaa muddo dheer xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Exit mobile version