Sunday, September 14

Caqabad xooggan ayaa waqtigan ku horgudban in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod, taas oo qeyb ka ah heshiiskii ay dhawaan gaareen gollaha wadatashiga.

Arrinta koowaad ee walaaca xooggan laga muujinayo, ayaa ah saameynta ay Al Shabaab doorashadan ku yeelan karto, maaddaama ay fariimo cabsi galin ah u dirayaan shacabka codkooda dhiibanaya.

Waxaa kaloo caqabad ah, sidii ay ku codeyn lahaayeen Soomaalida ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab oo ah dhul aad u baaxad dheer, ayna ku noolyiin shacab fara badan.

Wal walka kale ayaa noqonaya in maamullada dalka ay gaaraan siyaasad wada ogol ah, taas oo adag sida ay waqtigan ku hirgasho.

Dadka falanqeeya siyaasada Soomaliya ayaa aaminsan in ay adag tahay in sanadaha soo socda ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, sababo la xiriira caqabadaha jira.

Waxey ku talinayaan in dowladda ay keento qorshe kale, oo ay dalka uga badbaadineyso doorasho dadban, oo ah hannaan in muddo ah lagu soo caana maalayey isla maraakana dhaliyey tabasho kala duwan.

Exit mobile version