Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo dhawaan ku dhawaaqay maamul cusub oo la magac baxay Hiiraan State, ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya maamulkiisa.
Wuxuu taliyaha Ciidanka Daraawiishta Hiiraan State u magcaabay Suleeymaan Geeddi Ibraahim, isagoo ku xigeen uga dhigay Cabdullahi Maxamed Faarax Biriq, wuxu sidoo kale taliyaha saadka ciidanka u magacaabay, Afrax Cali Xasan (Afrax Yare).
Cali Jeyte ayaa sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cabdicasiis Axmed Cadoow (Jaaburi), wuxuu geesta kale soo kordhiyey gobol kale oo uu ugu yeeray Shabeelaha Sare, kaas oo uu gudoomiye uga dhigay Cabdiladhiif Faarax Aadan.
Xilalka uu magacaabay Cali Jeyte waxaa ka mid ah Afhayeenka Madaxtooyada maamulkiisa Hiiraan State, kaas oo uu u magacaabay Maxamuud Maxamed Saxane Odowaa.
Cali Jeyte wuxuu dhawaan diiday, casuumaad uga timid Madaxweynaha Soomaaliya, oo lagu farayey inuu yimaado Muqdisho, si tabashada jirta wada hadal loogu xaliyo.
Magacaabista xubnahan cusub ee ka mid noqonaya maamulka uu ku dhawaaqay, waxey caqabad ku noqoneysaa howlihii maamulka Hirshabelle uu ka waday Hiiraan.