Madxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa guddoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan u magacaabay u qaybsanaha ciidmada degaanka ee loo yaqaanno Macawiisleyda, oo uu noqon doono masuulka hadda wixii ka danbeeya hagi doona oo ay ka amar qaadan doonaan.
Cali Jeyte ayaa kal hore ka biyadiiday xilka qaadis uu ku sameeyey Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, wuxuuna ku dhawaaqay Hiiraan State inuu madaxweyne ka yahay.
Maanta ayaa madaxweyne Xasan Sheekh oo ka fogaynaya khilaafkaas Hirshabelle ka abuurmay u magacaabay xilkaan, oo ay dadka qaar ku sheegayaan mid macmal ah.
Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu xasuustaa halgankii Al Shabaab looga xoreeyey gobolka Hiiraan, isagoo hor boodayey ciidamadii macawiisleyda ahaa ee halkaasi ka saaray Al Shabaab.