Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa arrin muqadas ah ku tilmaamay jiritaanka maamulka Hiiraan State oo uu dhawaan ku dhawaaqay.
Cali Jeyte ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay maamulkooda aqoonsato, si looga fogaado dagaal iyo isku dhac ka dhex aloosmo Hiiraan.
Cali Jeyte ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dagaal culus oo deegaano Beer yabaal ay kula galeen Al Shabaab, wuxuu xusay in dagaalkaas oo guullo ka soo hoyeen aynu ku dileen Al Shabaab badan.
Hiiraan weli waxaa ka aloosan xiisada u dhaxeysa Cali Jeyte iyo Hirshabelle, taas oo maalinba maalinta ka danbeysa ka sii dareysa, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhaliso dagaal uu dhiig badan ku daato.